Somali Nordic Culture, waa urur ka dhisan magaalada Stockholm ee dalka Iswiidhan. Waxa uu inta badan ka shaqeeyaa arrimaha dhaqanka, suugaanta, isdhexgalka iyo tacliinta. Waa urur u heelan horumarinta dhaqanka iyo afka Soomaalida. Waxa uu ururkani qabtaa kulamo badan oo isugu jira kuwo aqooneed, kuwo dhaqan iyo waliba barnaamijyo loogu talogalay carruurta iyo dhallinyarada. Waxaanu ururku soo saaraa magaasiin carruureedka la magacbaxay Carruurteenna. Kaasi oo ah mid afka Soomaaliga iyo afka Iswiidhishkaba ku soo baxa, gaadhayna dalal badan oo dunida ah.

Sidoo kale ururku waxa uu barnaamijyo dhanka dhaqanka ah ku qabtaa dalkii hooyo. Somali Nordic Culture waa urur ay ku jiraan arday, qorayaal, barbaariyaal carruureed, macallimiin, saxafiyiin iyo waliba farshaxanyaqaanno.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:

Somali Nordic Culture
Mail: info@somalinordicculture.com

Postadress:
Somali Nordic Culture
Dackevägen 33, 177 34, Järfälla