Macluumaad ku saabsan magaasiinka 

Magaasiinka Carruurteenna waxa uu u taagan yahay carruurta Soomaalida ah ee Iswiidhan ku dhaqan iyo guud ahaan ba carruurta ku nool caalamka. Waxa uu sannadkiiba afar jeer ka soo baxaa magaalada Stockholm. Magaasiinkan oo dhashay sannadkii 2014 waxa soo saara ururka Somali Nordic Culture, oo ah urur ay ku jiraan arday, qorayaal, barbaariyaal carruureed, macallimiin, saxafiyiin iyo waliba farshaxanyaqaanno.

Magaasiinkan waxa loogu talogalay carruurta ay da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 14 jir. Waxaanay carruurtu magaasiinkan ka heli karaan; barbaarin, sheekoxariiro, maaweello, dhaqan, taariikh, farriimaha carruurta, cilmiga deegaanka, farshaxan, halxidhaale iyo warar. Ujeeddada magaasiinkani waa sidii ay carruurta Soomaalidu u heli lahayd barbaarin iyo maaweelo fiican, korna loogu qaadi lahaa xiisaha ay ubadku u qabaan akhriska iyo qoraalka.